Sheeko Gaaban
 

 

Qeybta 1 aad
Qeybta 2 aad
Qeybta 3 aad

Qeybta 4aad

Qeybta 5aad

Qeybta 6aad

Qeybta 7aad

Qeybta 8aad

Qeybta 9aad

Qeybta 10 aad

Qeybta 11 aad

Qeybta 12 aad

Qeybta 13 aad


SomaliRoots
Wareysigii Ikram

Qeybtii 5aad

 Miyaan dooqa keligeey laheyn?


Amran ayaa hadalkaasi aan marna laga fileyn siddii gantaal wejiga ka saartay islaantii hooyadeed aheyd ee maantoo dhan muxaadarada u akhrineysay.

Intey ka istaagtay geestii ay kaga fadhisay kursiga damacdayna iney ka tagto meesha ayaa waxaa gacanta ku dhigtay walaalkeed Maxamuud oo Xaajiyadu u soo kaxeysatay iney u adeegsato xoog haddii Amran la timaado go’aan aan aheyn kan ay jideysay.

”Fariiso” intuu yiri ayuu si xoog leh kursigiii ugu cadaadiyey una sii raaciyey iney xaaladu dagaal isku badali doonto hadey meesha ka dhaqaaqdo iyadoon amar la siin. Amran isma waalin si tartiib ah ayey markale kurisigii salka ula heshay, iyadoo indhaha ku gubeysa walaalkeed ayey si kulul hadalka u tiri ”Iga fuq axmaqyahow aan caqligiisa ku socon ee raacadata ah”.

Duq Faadumo oo la dheygagsan isbadalka iyo dabeecadaha cusub ee gabadheeda la soo baxday labadan beri ayaa markale hadalkii dib u bilowday.Iyadoon juuq iyo jaaq aan u oran intii Amran hadalada qalifsan ku hadleysay.

- Amraneey ma maanta ayaad gaartay heer aadan dhageysan warkeyga oo xitaa aad ku dhaqanto caasinimo iyo hadal aad igu soo celiso. Horaan kuugu sheegay iney jiraan dad kuu sheekeyey oo kugu yiri ”Naa hayeelin islaanta warkeeda”, laakinse dadkaasi meesheey ku geeyaan baan arki doonaa. Anniga uunbaa hooyadaa ah, Illaaheyna kasokow ifka anigaa ku keenay teyda uun baad ku socon doontaa insha Allaahu.

- Intii hore waxaan moodayey inaad ka soo roonaan doontid oo caqligaaga kaashan doontid, haatanse waxaad noqotay mid farro baxsatay oo aan reerka katirsaneyn. Haatan iyo dana Cabbaas waxaan dooq iyo ima cajibin aheyn miyaad ku diiday mise wax kale?

- MAYA, hooyo waan kuu sheegey inuusan dooqeyga aheyn ee isku daya inaad texgilisaan go’aankeyga. Aniga ma ihi carruur labo jir ah oo aad dabka celineysaan, waxaan ahay gabar qaan gaar ah oo maskaxdeeda isku maamusha. Cidaan guursanayana anigeey ii taal, waajibkiina waa texgelin iyo qiimeyn hadaan taas idiin ka waayana dee siddii roon Rabbaa og.

- Wallee waa yaab, waxaan maqli jiray ”Hashu maankeey gadaye ma masaar bey liqday” Tana wey ii laabneyd, naa i dhageyso intan ka badan dulqaad uma yeelan karro waxaad ku hadleyso dadkana igu ceebeyn meysidee labo middii kuu roon ku dhaqaaq, inaad siddii gabar la dhalay oo waaliidkeed baari u ah maqasho qaadatidna nasteexda iyo narruurada luguula rabo oo aad guursatid walaalkaa Cabbaas iyo inaad caasi iyo deyro naga ahaatid weliba aad saacadan la joogo aad ii faaruqisaa gurigeyga dib dambane aadan noo soo sheegen, ileyn gabar aan hadalka hooyadeed maqleyn ku heysan mayo guriga e, reerihiina xumaa ee xanka iyo dadka oo dhabarka gadaashooda laga hadlana u qeybsanaa i caayimayaan ma garatay warkeyga?? Adigeey kuu taal sidaad yeeli laheyd, kasoo feker!

Yaab iyo amkaag ayaa Amran kasoo haray, iyadii iyo hooyadeed baa qofba qofka kale la yaaban yahay dabeecadaha cusub iyo hadalada noocan ah oo aan weli la isweydaarsan intii Xaaji Yuusuf noola.

Waxey sameyso ma taqaan tallo ayaa ku cagaaratay, waxey isweydiisay haddeey islaanta mar hore u sheegi laheyd in London wiil ay isku soo barteen u xirriir ka dhaxeeyo ay xaajadu malaha intan ka roonan laheyd. ”Wallee kama roonaateene iga tag hooyadeey sow mida hadeer sidan naxariis darrada ah iigula hadleysa maahan” ayey nafteeda iskula hadashay, murago adduuna la soo deristay. Ileyn waa tanoo caaweyba ugu darneyd oo la yiri iiga bax gurigeyga hadaadan yeeleyn wiilka aan kuu dooray.

Maalinteey dhalatay ilaa iyo waqtigan xaadirka ah gurigooda meeel uma dhaafin, inkastoo ay muuqaal ahaan u muuqatay mid maqbiyo ah oo aan banaanka u bixin gurigii lugu dhalay hadana waagii aabaheed noolaa waxey aheyd mid dareemeysay xorriyada macaankeeda waqtigey doontana bixi jirtay soona laaban jiray. Haddase bixid ay baxdo daaye, waxey qarka u saaran tahay in laga reebo iskoolkii xumaa ay islaantu u aragto inuu yahay mid fidno ku ah gabadheeda tacliin ay kasoo barato daaye.

- Hayeh tallo adigeey ku agtaal gabaryahay waxaan kaa doonayaa inaad jawaab deg deg ah isiiso cudur daarna ha isku dayin inaad bixiso lagaa yeeli mayee.

- Laakin hooyo miyaadan aheyn qof Illaahey ka baqaya oo muslin ah, maxey tahay cadaadiska heerkan ah, miyaan kaa mudanahay hooyo inaad sidan iigu qasabto waxaanan nafteyda u rabin? Hooyo miyaanan aheyn gabadhaada? Sow naxariista ay wiilashaada kaaga baahan yihiin kaagama baahni anah mise imaadan dhalin oo hooyadeey ma tihid? Ayey Amran oo ooyeysa tiri, xaaladana ay ka xun tahay oo aysan garaneyn meeley uga baxdo xujan adag ee qoorta loo suray.

- Nacam, hooyo gabadheydii waad tahay oo Illaahey baa i maqlayee intaan dhalay adigaan kuu jecelahay, intaas oo dhana waxaan u yeelayaa waa wanaagaaga iyo gabadhaada ha noqoto marwo sharaf leh sidaan aniga gurigeygii ku soo dhistay. Waxaanan jecleyn o keliya gabar meelo is istaagto oo waqtigeeda maalayacni ku dhumisa iyo ciyaal suuq xun oo ay warkiisa wad wado.

- Laakin hooyo adiga iyo aniga isku mid manihin waan kala duwanahay xilligaad hooyo reer laheyd aniga waxaan ahaa carruur , caqli iyo aragti kuu gaar ah baad ku dhaqmeysay waqtiga aad ka hadleyso. Balse aniga hooyo duni isbadashay ayaan ku noolahay iyo jiil ka duwan midkaad adiga ku nooleyd. Hooyo aniga dooq ayaan leeyahay, nolosha si baan u arkaaa, hadaan guursanayana waxaan rabaa inaan farxad ku guursado iyo nin aan qasab la iigu darin. Mida aan isku fahmi weysanahay adiga iyo aniga waa intaa. Waad ogtahay hooyo inaan weligeey kaa diidin hadal aad tiraahdo maanta kahor. Marka i fahma oo yeysan qeyrkeey i caayin oo aan ahaado ruux talada ka go’da waalid iyo walaal baa tihiin wixii aan ku qaldanahay waad ii sheegi kartaan, laakin midan oo kale anigaa idiinkaga saxsan sidaas ula socda.

Duq Faadumo dhabano heys ayaa ka soo haray dhalaankan ay iyada dhashay oo intaas ay la soo ekeysiisay baa maanta waaninaya ”Cimrigaaga dheerada geel dhalayana waa ku tusaa,ileyn waa tannoo kale” ayey intey ku guuxday tiri ”Maandheey hadalka kale oo la yeelayaa ma heysaa kan mid igu soconaya maahee”.?

Maya hooyo mahayo, hadaad gurigaaga i bixin laheyd waqtigan xaadirka ah iyo hadaad midkan ku ag fadhiya ee feeraha weyn aad oran laheyd dil ama daa adigeey kuu taal, go’aankeygii wuxuu yahay in jaahilkan aad Cabbaaska ku sheegteen uu iga yahay aabaheey oo kale. Adiinkana tiina meel bey idiin taalaa.
Intey Amran sidaas tiri bey ka baxday qolkii fadhiga ahaa maantoo dhan showrka ka socday, natiijana aan kasoo bixin.

Maxamuud baa siddii galab dheertii hore oo kale isku dayey inuu gacanta ka hadlo ileyn shaqo aan gacan aheyn uu qabto ayaan jirinee, balse Duq Faadumo ayaa tiri iska daa, waxaan la damacsanahay baa ka badan midaad hada u rabtee.

Amran iyadoo leh Alxamdu Lilaah, adigaa kii gacantiisa igu dhifan markale ayaa la soo garaacay albaabka goortay damacday iney qolkeeda gasho kuna soo leexatay garaaciisa, iyadoo jecleysan ruuxa saacadan socda iney wejigiisa aragto ayey furtay albaabkii mise waaba Cabbaas-kii adduunka oo dhan dartiis loogu yareeyey cadaabtana loo marinayey ”Necbiyaa Jaahaaga!” ayey hoosta ka tiri markey aragiisa aragtay.

”Waan ku salaamay abaayo” ayuu hadal ka bilaabay markuu arkay gabadhuu aadka u jeclaa wejigeedii, filan waana ay ku noqotay inuu Amran oo uu ku haminayey weligiis ay maanta joogto guriga. Waayo marar badan uu reerka soo booqday meysan joogin, sidaas daraadeed maanta aragtideeda maalin ciideed bey kaga dhigan tahay iyo gaado ka ciyaar.

- Nabad walaalkiis ee soo dhaaf, ha is martiyeen, bey tiri iyadoo uurka ka gubyooneysa jaceylkii walaaltinimo ee yaraantoodii ka dhaxeeyeyna uu hadal isku badalay naceyb kan ugu xun ee ruux bani’aadam ah loo qaado.

- ”Abaayo aad baan ugu faraxsanahay aragtidaada” Ayaantan luguma arage xageed gashay guriga waan imaadaa markasta mana ku arkee, maxaa dhacay?

- Walaalkiis waad ogtahay inaan iskool jirro inta badan maxaad isku yeel yeeleysa?

- Maya abaayo waxaan is iri armeeysan weli kasoo laaban safarkii ay London ku aaday, sababtoo ah waan ka xishooday hooyo inaan weydiiyo markasta. Saas ayaan kuu iri xageed ka dhacday. Hada sow nabad maahan? Waa Illaahey mahadiis hadaan maanta ku arakayo adigoo caafimaad qaba ee reerka yaa jooga?

- Hooyo iyo Maxamuud baa jooga ee soo dhaaf!

- ”Fiiri abaayo Amraneey, dan baan kaa leeyahay firaaqo aan kugula hadlo meysaa 10 daqiiiqaba Allaah ka dhigee,?

- Haddii loo baahdo waa la helayaa toban iyo wax ka badanee maxey tahay danta aad iga leedahay maanta?

Abaayo ii ogolow inaan meel aan guriga aheyn ku wadahadalno waayo guriga dadkaa ku badan munaasibna maahan, marka ”Min fadlag ii yeel codsigaas abaayo!”

- Berito haddii Alla idmo maxaad qabanee, iskoolka meeqo saac ayaad kasoo baxeysaa?

- Ok, Berito 4-ta galabnimo ayaa kasoo baxayaa markaa waan heli karaa firaaqo yar, aad iigu sheegato dantaada.

- Mahadsanid abaayo waan kugu ogaa dadnimadaas iyo dabeecadaada dahabka ah ee aysan jirin wax la siisto, hadaba waa inoo berito insha Allaah, iskoolka ayaan kuugu imanayaa markaas ayaan meel cafe-ga laga cabo tageynaa. Hadana reerka ayaan u sii tagayaa ee waa ku kaas. Intii yiri ayuu u sii dhaqaaqay dhankii fadhiga ee ay joogeen islaanta iyo wiilkeeda isagoo farxada wejigiisa ka muuqata laga akhrisan karro hadduusan duulin siddii shimbiraha oo uusan baalal yeelan ayuu nasiib lahaa galabkaasi markey tiri waan wadahali karnaa Amran.

- Amranse intey kor iyo hoos ka fiirisay bood boodkiisa markuu sii dhaqaaqay ayey tiri ”Nin aad ii noqotaaye iska daaye xitaa riyo iaadan igu arkeynee armeey kuu roon tahay inaad raacato danahaaga!”

Qolkeedii bey si tartiib hoosta kasoo xiratay markale, ciil iyo murago ayey sariirteedii isku tuurtay sidii wax waalan, feker bey ku dul camaritay. Xasuus dheerna dabo qabatay. Dib bey u gashay barashadii iyada iyo Axmed ay habeen ku kulmeen meel arroos ah. Xirriirkoodii sidduu mar qura isu badalay ayey aad ugu riyaaqday tan iyo habeekii ay u muuqdeen dad indhahooda isa soo jiitay oo arrin Rabaaniyan ah dhexdooda ka beermay. Ileyn jaceyl daacad ah buu ahaaye!

Intey fekerka iyo xasuusta sawiro hore oo kala duwanaa maskaxda midba mar kasoo saareysay ayaa teleefankeedii gacanta oo meelaha ka dhawaa soo dhacay, mise waa Axmed gacaliyaheedii nafta oo aysan waaydan maqal codkiisa haraadna ay u qabtay. Dhibaatada reerka ku hayaan kasokow waxaa maqnaanshihiisi ay u aheyd jab xoogan oo loogu daray midey tirsaneyso.

Codkiisi markey maqashay ayey oohin qabsatay sidii ruux geeri gashay, ”Sidan miyaa jaceylkaad ii akhrineysay iyo hadaladii macaanaa?
Hadaan noolahay iyo hadaan dhinto midna ima soo raadineysid sow maahan Axmedow? Hadaadan cudurkan ila qeybsaneyn maxaad iigu akhrisay maxaad ii tiri waan ku jecelahay?

Axmed-kii oo yaaban oo isweydiinayo gabadha waxa ku soo kordhay labadan beri ayaa yiri ”Abaayo macaan sorry waan mashquulsanaa shaqadii waad ogtahay nolosha London taala ineysan sahlaneyn. Laakin Walaahi abaayo qalibigeyga wuu kula joogaa kaama dheeri.

Habeen hore reerka ayaan soo wacay waxaa la ii sheegay inaad maqneyd teleefankaagii gacantana waad xiratay. Marka abaayo sidaas ayaan kaaga maqnaaye iiga waran xaaladaada??”

Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!

 

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com

By. Ikram Ali Kar