Sheeko Gaaban
 

 

Qeybta 1 aad
Qeybta 2 aad
Qeybta 3 aad

Qeybta 4aad

Qeybta 5aad

Qeybta 6aad

Qeybta 7aad

Qeybta 8aad

Qeybta 9aad

Qeybta 10 aad

Qeybta 11 aad

Qeybta 12 aad

Qeybta 13 aad


SomaliRoots
Wareysigii Ikram

Qeybtii 6aad

 Miyaan dooqa keligeey laheyn?


Axmed baa intaas cudur daar iyo maqnaanshihiisii ay Amran tabtay uga dhigay,waayo meesha kama muuqato qancin kale oo ay aqbali karto. ”Abaayo Wallaahi si kale kaagama maqneyn waad ogtahay inaad tahay qofka aan adduunka ugu jecelahay” ayuu hadana yiri isagoo ay dareen gelisay oohinta ay Amran ooyeyso.

•  Macaaney maxaa kugu dhacay caawa si baa wax u jiraane maxaa la ooyeysaa oo soo kordhay, nabadi ma jirtaa?? Ii sheeg waxa oohinta kaa keenay si aan kuula qeybsado haddii aysan jirin wax dhibaato ah oo reerka xaggiisa ah.

”Illaahow nimaan wax ogeyn ha cadaabin” intey tiri ayey misna oohintii halkeedii kamiistay meeshii laga rabay iney sheegto waxa jira. Kartidii ay qadar daqiiqado ah ku tiri ”maxaad iila qeybsan la'dahay jeceylka aad igu beertay” ayaa hada ka luntay, waxey isku dayeysaa iney raadiso awood ay markale ku hanan laheyd kontoroolkii si aan qarsoodiga laheyn uga lumay.

- Aboowe macaan horta waxaan xiiisahaaga aheyn imahayaan, dhibaatana ma jirto Illaahey hanaga koriyo wixii dhib ah. Balse waxaa jirta arrin aan waayadan kaa qarinayey oo aniga iyo reerkeena ku saabsan.

Waad ogtahay in aabahey dhintay mar aan sidaasi u sii dheereyn. Geeridii ku timid aabahey xaqiiqdii waxaan dareemay in garabkeygii banaanaatay oo aanan heysan cid i wehelyeesha. Waayo aabahey Jannadii Allaah siiyee waxa uu ii ahaa waalid iyo saaxiib aan ku kalsoonaa inbadana iiga fiicnaa reerka intiisa kale. Nasiib xummo Amarka Alle kama weyni, waxaana uu aaday halkii ay qof walba sugeysay.

Hadalka yaanan kuu badin, geeridii aabe kadib hooyadeey iyo walaalahey waxey la soo baxeen weji ka duwan kii aan ku arki jiray waa hore.

Sababtuna hooyadeey waxaa ay ii sheegtay iney igu dareyso wiil aan qaraabo ahay oo ay soo korisay. Wiilka waxaa loo balan qaaday in la igu darro marka aan dhameeyo Iskoolka. Isagana intuu run mooday sheekada ay u sheegtay islaanta buu cagta cagta ii saaray.

Marka aboowe dhibka i heysta waxa uu yahay in nin aanan dooneyn la ila damacsan yahay in la igu darro. Waxaanse kuu xaqiijinayaa inaan ku jecelahay, adiga oo qurana aan adduunkan ka fiirsanayo, dhibkasta oo isoo wajahana waxaad ogaataa inaan labadeena ciddi nakala geyn karrin. Dareenkiis Axmed awalba oohinteedii ku riday islahadal ayaa markey u sheegtay in reerkoodu nin ku darayaan xaalad degenaan la'aan ihi la soo deristay. Waxa uu is dareensiiyey in haddii sheekada ay gaartay arin qoys ay tallada farihiisa kabaxeyso Amrana uu sidaasi ku waayi karro.

Isagoo dagan sina niyada uga welbahaarsan arrinta kediska ah ee ay Amran ka dhawaajisay ayuu yiri ”Nin sidee ah baa reerihiinu rabaan iney kugu daraan, maxaadse horey iigu sheegi weysay?”

•  Sababta aan kuugu sheegi waayey uma heysan iney tahay arrin qiimo leh waxaan weli aaminsanahay iney tahay mid aan meel uga soo hari karro

marba haddii rabitaankeygu yahay midaan anigu go'aankeeda gaari karo.

Axmed hadalkii baa ku ceshoomay inkastoo Amran rajo iyo kalsooni u muujisay hadana weli waxaa uu aaminsan yahay in sheekaddu sida ay moodeyso aysan noqon karrin.

”Siddii roon Rabbaa og, balse ogow Amraneey inaad balan iga qaaday goobtii aad ku dhaartay inaad wax ila qabaneyso mustaqbalna ila dhiseyso aad ogsoon tahay. Anigu ma ihi nin ciyaal suuq ah, waxaan ahay nin doonaya mustabal iyo inuu yeesho reer. Diyaar waxaan u ahay inaan waxkasta u hurro siddii aan nolol kuu qeybsan lahaa. Balse dhowr axdigii iyo balantii dhexdeena ahaa.” Ayuu yiri Axmed oo markan laga aqrisan karro sida ay sheekadaasi rajo xumi ugu beertay.

Amran markale ayey meesheedii kasii waday oohintii awalba iska saar saarneyd indhaheedii.

•  Ma ogtahay Axmedow in waxkasta hadey dhacaan aan garabkaaga ahaanayo, mase ogtahay qiimaha aad agteyda ka leedahay inuusan ruux jirin bani ahaadan ah oo ka leh?

•  Maxaad iiga dhigeysa ruux wax magarato ah, sideen balantii dhexdeena aheydu u ilaawi karaa. Hadalka aad leedahay waxey igu sii damqinayaan dhaawaca aan iminka qabo. Bes iga dheh waan ku baryayaa!

•  Igu kalsoonow balan Illaahey waaye adiga iyo aniga waan isla gaari doona meesha ugu dambeysa macaan iyo qaraarna waan kula qeybsanayaa.

•  Balse hadalkaasi gefka ah markale ha i oran.

•  Abaayo inaan adiga hadalka kugubo marna ulama jeedo, waxan hadalkaasi kuu leeyahay waa dhiiragelin waan ogahay inaad tahay ruux ilaalin karra amaanada. Hadana haddii ay jiraan dad dhexdeena ka shaqeynaya waxey tahay mid dhibaatadeeda leh. Sidaas aawadeed waxaa labadeena waajib nugu ah inaan nacabkasta oo aan leenahay meel si wada jir ah uga soo harno.

Amran iyo Axmed aad bey ugu dheeraad taleefanka galabkaasi, waxeyna axdi adag ku mareen in si wada jir ah ay Cabbaas iyo reerkaba qorshaha ay wataan ay ugu hortegi lahaayeen waxkasta oo dhacana ay lama huraan tahay iney niyad adag u muujiyaan jaceylkooda cadowga ku gadaaman yahay.

Lasoco cadadka dambe insha Allaah…….!

 

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com

By. Ikram Ali Kar