|
HALIMA KHALIF MAGOOL
Birth
Country: Somali Singer: Waaberi group
Yaa buuxin kara Kaalintii Magool?
Fanaaninta
ka hadashay geerida Magool waxaa ka mid ah Shamso Abokor Ismaaciil
"Gaduudo Carwo" Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi"
Abwaan Siciid Xarawo Qadra Daahir Cige, Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf
dhamaantooda waxa ay xuseen in ay aheyd fanaanad la jecel yahay
oo qiimo ku leh bulshadeeda.
Sidoo
kale Fanaaniinta ka hadashay geerida Alle ha u naxariistee Xaliima
Khaliif Magool ayaa waxaa ka mid ahaa Safiya Geele, Aamina Sahra,
Cabdi Tahliil Warsame, Shamso Maxamuud Xirsi "Daadsan"
Cabdi Maxamuud "ilkacase" Nadiifa Cali Kulane iyo kuwa
kale.
Xaliima
Kahiif Magool waxyaabaha sida weyn loogu ammaanay oo ilaahay hibada
u siiyay ka sokow codkeedii macaanaa waxa ka mid ahaa maskaxda ama
fahamkeeda oo aad u sareeyey.
Cabdikariim
Faarax Jiir oo ah ninka inta badan heesaha ay ku luuqeyn jirtay
Laxanka saaray ayaa waxa uu muujiyay qaabkii intii ay wada shaqeeynayeen
Magool ay u muuqatay isagoo sheegay in ay islamarkiiba ay qaban
jirtay heesaha iyo laxanka oo aheyd qof maskax furan.
Abwaaniinta
iyo Fanaaniinta inta badan waxa ay isku raacsan yihiin in aanay
jirin qof buuxin karta booskii Fanka oo ay baneeysay Alle ha u naxariistee
Xaliima Khaliif Magool.
Alle
ha u naxariistee Magool waxa ay dhalatay sanadkii 1948-kii waxa
ayna ku dhalatay magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan,waxa ayna
ka soo jeeday qoys ka kooban Shan qof iyo Hooyadeed iyo Aabaheed,
waxaa imminka nool Afar walaalaheed ah.
Magool
wax carruur ah kama tegin, Alle ha u naxariistee shalay ayey marxuumadu
ku geeriyootay magaalada Amsterdam ee dalka Hollond waxaana tacsi
u diraya dhammaan ummadda Soomaaliyeed "Inaa lilaahi Wa Inaa
Ileyhu Raajacuun"
Waxaa
diyaariyey:
Idaacada
HornAfrik.
Mogadisho,
Somalia
|