Abdi
Qeys oo Lagu Daray Diiwaanka ama liiska Hal-Abuurada iyo Abwaanada
Caalamiga ah ee Dunida
Xaflad sifiican loo soo agaasimi ayaa lagu qabtay Jaaamicada ku
taala Magaalada Lund ee Dalka Sweden Shalay 12/05/2003.
Xaflada ayaa ahayd mid lagu soo gabagabeeyey Barnaamij ay Jaamicadu
soo diyaarisay oo Magaciisu ahaa (Xulkii Gabayada Caalamka ee labaatankii
sano ee Tegay)
Tirada Gabayada oo ahayd 150 Gabay oo laga soo uruuriyey
Dunida oo dhan, laguna turjumay shan luqadood ayaa Gabay uu Curiyey
Abwaan Abdi Adan Qays uu ku soo baxay kaalinta koowaad.
Gudoomiyihii Gudida Qiimaynta ee Barnaamijka Professor
Martin Himilton oo ah Ruug-caddaa Murti-ruug ah iyo Gabyaa
una dhashay cariga Ingiriiska kana socday Jaamicadda Caanka ah ee
Oxford ayaa Khudbadii uu ku furay xaflada ku faahfaahiyey sababihii
uu Gabaygani ku mutaystay kaalinta Koobaad iyo macnaha ugu weyn
ee u jeedada Gabaygu xambaarsantahay.
Professor Martin ayaa yidhi Abwaanka curiyey Gabaygan oo Magaciisu
yahay Abdi Adan Qays oo kana soo jeeda Dalka SOMALILAND (waa waqooyigii
Somalia) ayaa Gabayga ka tiriyey dareen xoriyad la'aaneed oo ay
dad iyo Duunyo wada wadaageen, ( waa neef Dameer ah oo ay ku wada
xidhnaayeen Abwaanka Xabsi ku yaalay duleedka Magaalada Muqdisho).
Gabayga intiisa badan Dameerka ayaa kaga xog-waramaayey
Xadhgiisa iyo Cadaalad darida kaga timi Taliskii kaligii taliyihii
Siyaad Bare ee soo xidhay.
Sababaha Gabayga loogu Qiimeeyey Kaalinta koobaad.
1-Gabayga oo dareen wadaajiyey laba Maxbuus oo kala ah Dad iyo Duunyo
oo waliba dulmi iyo xaq-daro lagu soo xidhay.
2-Gabayga oo ka turjumaayey, Qiraayeyna in Darxumadu,
Dulmigu, Dawlad xumidu, Dawlad la'aantu, Cadaalad daridu, Sharci
la'aantu iyo Sharci jabintu ay dhamaantoodba ku xuyihiin oo isku
si u saameeyaan Dadka iyo Duunyadaba.
3-Gabayga oo xaqsiiyey una garaabay Dameerkii oo isla
markaana metelaayey dhamaanba Duunyadii iyo Mayeedhaankii kale ee
ku xidhnaa Xabsiyadii Taliskii Dalka Haystay iyo waliba kuwii kale
ee ku noolaa Xaaladaha Qalafsan ee bilaa naxariista ah ee ku baahsanaa
dalka oo dhan.
Professor Martin ayaa khudbadiisii ku soo afjaray
Abwaankan Murtidiisa ayaa ku Qiimaysan Heer Cilmiyeysan oo Caalami
ah, laga bilaabana maanta ku biiray Diiwaanka Abwaanada iyo Hal-abuurada
ee Caalamiga ah.
Sarkaal isna ka socday Hay'ada Amensty International oo ka waramay
Jiidh-dilkii iyo Ciqaabtii Abwaanka ka soo gaadhay Xabsigii Taliskii
Siyaad Bare ayaa yidhi waxa Gabaygan lagu Qiimayn karaa Hubkii ugu
khatarsanaa ee lagu jabiyey markii lala dagaalamaayey kaligii taliyihii
Dalkaa ka jiray.
Abwaanka oo aan Munaasibada joogin waxa ka wakiil
ahaa oo lagu soo casuumay xaflada, Turjumadii Gabaygana Qayb-libaax
ka qaatay Afhayeenka Xisbiga Udub ee Waqooyiga Europe Mudan: Osman
Abdillahi Sool.
Wixii Faahfaahina ee ku saabsan Gabaygii oo Qoraala
waxaa kala xidhiidh kartaa Wargayska Maandeeq oo kugu xidhiidhin
kara Abwaan Abdi Adan Qays oo iminka jooga Hargaysa.
Waxa soo diyaariyey: Somalia Radio Denmark Copenhagen.
|