|
FANAANIINTII ISKA DHAXASHAY FANKA
Fanka Soomaaliya oo muddo dheer soo jiray intii uusan ku dhicin
burburka wixii ka dambeeyey 1990-kii ayaa waxaa jirtay fanaaniin
Soomaaliyeed oo iska dhaxashay fanka waxaana kooxaha fanka ka dhex
muuqday fanaan iyo caruurtiisa ama fanaaniin walaalo ah waxaana
maanta muwduuceena fanka idiinku soo gudbinaynaa macluumaad ku saabsan
arrintaasi.
Allaha u naxariistee Abwaan Qaasim Hilowle waxaa fanka ka dhaxlay
gabdhihiisi Faadumo Qaasim Hilowle oo loogu yeeri jiray (faynuustii
fanka) iyo Muslimo Qaasim Hilowle oo kale ahaa Heesaa iyo Muustikiiste
ka wada tirsanaa hoboladii Waaberi in kastoo sanadahan dambe ay
muslimo qudheedu noqotay fanaanad heesta ayada oo raacaysa wadadii
walaasheed ka horaysay Faadumo Qaasim waxayna Muslimo oo garaaci
jirtay qalbka loo yaqaan Fiiso Armoonaha ee heeso la qaaday sanadahan
dambe Macow Ow Diinle (Abtow) oo ah mid ka mid ah heesaayaasha ugu
caansan hobolada waaberi qaybta Banaadiriga ah.
Allaha u naxariistee Abwaan Aweys Geedoow Diinle waxaa isagana
fanka ka dhaxlay wiilkiisii Max’ed Aweys Geedoow oo ah heesaa
ka tirsanaa kooxdii Libaaxyada Maaweeliska Banaadir Allaha u naxariistee
Abwaan Max’ed Jamaac Joof waxaa isna ka dhaxlay fanka walaalkiis
Axmed Jaamac Joof oo ah heesaa ka tiran hobolada Waaberi.Allaha
u naxariistee Cumar Dhuule Cali oo ahaa heesaa caan ah waxaa isna
fanka ka dhaxlay gabadhiisii allaha u naxariistee Laylo Cumar Dhuule.
Allaha u naxariistee Mulaxamiiste Xuseen Baajuuni oo ka tirsanaa
kooxdii Muusiga Soomaali Jaas ee Hobolada waaberi waxaa isna fanka
ka dhaxlay gabadhiisii Xabiibo Xuseen Baajuuni .Sidoo kale waxaa
fanka soo maray fanaaniin walaalo ah waxaana ka mid ahaa
Allaha u naxariistee marxuumiintii ilmo Mooge Max’ed iyo
Axmed Abwaan Jaamac Sulaymaan Tubeec iyo walaalkiis Max’ed
Sulaymaan Tubeec (Boqorkii Codka) ,Axmed Shariif Killer iyo walaakiis
Cabdulaahi Shariif Baastoow, Abwaan C/qaadir Cali Cigaal (Ciro)
iyo walaalkiis Axmed Cali Cigaal ,Allaha u naxariistee Ciise Daahir
Qaasin iyo walaalkiis Abuukar Daahir Qaasim oo labaduba ahaa Mustikiistayaal
ka tirsanaa kooxda Durdur.
Cumar Xasan Cabdi (Rooraaye) iyo walaalkiis allaha u naxariistee
Cabdiraxmaan Xasan Cabdi .Cabdi Tahliil Warsame iyo walaashiis allaha
u naxariistee Siraad Tahliil Warsame .
Allaha u naxariistee Ibraahin Baadil Ibraahin iyo walaalihiis Cabdi
iyo Cabdirisaaq oo labaduba ahaa heesaa iyo mustikiiste ka tirsanaa
hobolada Waaberi.Siciid Xasan Axmed (Siciid Toom) iyo walaashiis
Luul Xasan.
Waxaa diyaariyey:
Axmed Max’ed Cabdulle (Uur Doox).
|